Jeenyo oo galabta adkaatay

Jeenyo & Horseed oo galabta ballansan
Jeenyo 1 Horseed 0

Waxaa goordhow soo dhammaatay cayaar xiiso badan oo dhex martay kooxaha LLPP Jeenyo iyo Horseed, taasoo ka tirsan horiyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Cayaarta oo ka dhacday garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis magaalada Muqdisho, waxa ay ku dhammaaytay 1 iyo 0 oo ay ku adkaadtay kooxda Jeenyo.

Labada koox ayaa soo bandhigay cayaar aad loo jecleestay, waxaana ay iska khasaariyeen fursado goolal loo fishay.

Kooxda Jeenyo ayaa hadda kasoo daba dhawaatay kooxda Elman oo waxa ay lee isla lee yihiin 20 dhibcood.

Kooxda Horseed waxa ay iska fadhisaa kaalinta lixaad ee kala horeynta horiyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan ilaa siddeed koox.