J/Dhexe: Diyaarado dagaal oo warqado digniin ah daadiyay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay warqado digniin ah ku daadiyeen degmooyin gobolkaasi ka tirsan.

Degmooyinka Jilib iyo Jamaame ayaa lagu soo waramayaa in diyaaradaha dagaalka oo halkaasi dul marayay inay ku daadiyeen warqado digniin ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha xalay ay mar qura dul mareen hawada labada degmood, waxaana wararka ay sheegayaan in warqadaha looga digayay Al-shabaab inay labo bil gudahood isku soo dhiibaan.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay digniinta inay dagaal adag kala kulmi doonaan ciidamada isbaheysanaya haddii ay isku soo dhiibi waayaan.

Xoogaga Shabaab ayaa markiiba isku dayay inay aruuriyaan warqadaha ayna gubaan si fariinta warqadahaasi ku qoran aysan u gaarin dad hor leh oo ku nool Magaalooyinka kale ee Gobolka Jubbada Dhexe ee Shabaabka ay gacanta ku hayaan.

Dowladda Somaliya ayaa isku dayaysa inay soo afjarto dagaalka ka dhanka ah Shabaab, inkastoo Shabaab ay yihiin cudud muuqata oo awood u leh dagaalka inay sii wadaan.

Diyaarado dagaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here