Jawaari: Soomaalida mar danbe ma maqli doonaan gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha ayaa is qilaafsan

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa balan qaaday in aysan dhici doonin in mar danbe uu qilaaf ka dhex dhasho madaxda sare ee dowlada.

Dowladihi dalka ka hana qaaday 12 sano ee lasoo dhaafay ayey shacabka Soomaaliyeed uga barteen in ay isku dhacaan madaxda sare sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarihiisa, ama Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Qilaafyadi ugu muhiimsanaa ee ay dadka la yaabaanee waxaa ka mid ahaa kii C/qasmid iyo Cali Khalif Galeyr, kii Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Cade.

Waxaa ugu danbeeyey Dowladi Sheekh Shariif oo ay jireen qilaafyo aad u badnaa oo dhex maray sadexdi Ra’isulwasaare ee uu madaxweynihi hore soo kala magacaabay ee kala ahaa Cumar C/rashiid, Farmaajo iyo C/wali Gaas.

Waxaase ugu weynaa qilaafki la magac baxay Labada Shariif ee u dhaxeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, qilaafkaasi wuxuu gaaray in marki danbe heshiis lagu soo kala saxiixay magaalada Kampala iyadoona loo bixiyey Kampala Acord.

Hadaba isaga oo xasuusinaya shacabka Soomaaliyeed ayuu gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka u balan qaaday umada in aysan mar danbe maqli dooniin madaxda sare ayaa is qilaafsan.

Isaga oo uu garab istaagnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in ay ku heshiiyeen in ay mar walba wanaag ka wada shaqeeyaan oo aysan dhicin qilaaf siyaasadeed oo dadka iyo dalka dhaawici kara.

Jawaari wuxuu sheegay in aysanba isku shaqa aheyn oo baarlamaanka u taaganyahay sharci dajin madaxweynahana uu yahay odaygi dalka.

Labadani mas,uul ayaa mid kasta kusoo baxay doorashooyin xor ah oo ay doorteen baarlamaanka Soomaaliya, waana laba nin oo aqoonyahano ah, shacabkana waxay ka muujinayaan yadadiilo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here