Jawaari oo maanta tegaya Magaalada Jowhar

Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari
Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa in maanta uu booqdo Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha dhexe,halkaas oo uu ka socdo dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Ujeedada Safarka Guddoomiye Jawaari ayaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo munaasibad lagu dhaarinayo Xildhibaannada Maamulka Hirshabelle oo Shalay lagu xareeyay Magaalada Jowhar.

Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa si dar dar leh uga socda Mgaalada Jowhar,waxaana durba isu soo sharraxay xilalka Madaxweynaha iyo Guddoomiyah baarlamaanka siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Dhaarinta maanta Xildhibaannadaasi la filayo in la dhaariyo kadib waxaa ay dooran doonaan Guddoomiye,waxaa kale oo ay dooran doonaan Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.

15ka Bishan October ayuu qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyo dhismaha Mamaulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee la magacbaxay Hirshabeelle.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here