Jawaari oo ku guuleeystay Kursiga aqalka Hoose & Damacii Shariif Xasan oo meesha ka baxay

jawaaariGuddoomiyaha Baarlamaanka DF waqtigeedu dhamaaday Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, ayaa ku guuleeystay Kursigii ugu horeeyay aqalka Hoose Baarlamaanka.

Jawaari ayaa si dhib yar kaga guuleeystay musharixii la tartamayay, waxaana uu helay codad dhan 45 cod, halka musharaxa la tartamayay uu helay 5 cod kaliya.

Maxeey ka dhigantahay Guusha Jawaari?

shariif xasan adaanGuusha Jawaari ayaa ka dhigan in damacii Shariif Xasan ee ahaa inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya meesha ka baxday, maadaama Jawaari uu markale u taaganyahay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka.

Waa markii 2-aad ee uu Jawaari ka guuleeysto Shariif Xasan, waxaana la wada xasuustaa tartankii adkaa ee sanadkii 2012 dhex maray, markaasoo Jawaari uu ku guuleeystay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka hada jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here