Jawaari oo ku biiray wafdiga MW ee Baydhabo jooga

Breaking-News53-300x1682Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka DF mudane Jawaari, ayaa lagu soo waramayaa ineey caawa maqribkii caga dhigteen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen wafdi uu hogaaminayo M/weyne Xasan Shiikh.

Tagitaanka Jawaari iyo wafdiga uu hogaaminayo, ayaa la sheegay ineey timid, kadib markii uu Taleefan usoo diray M/weyne Xasan Shiikh, oo maanta la kulmay mucaarad xoogan kuna qasabtay inuu ka bixi waayo Garoonka.

Banaanbaxayaal taageersan maamulka 6da Gobol, ayaa wafdiga M/weynaha ka hor istaagay ineey gudaha u galaan magaalada.

Wefdiga Jawaari ayaa la geeyey isla xerada ciidanka AMISOM ee Madaxweyne Xasan Shiikh caawa u hoydey.

Socdaalka Madaxweynaha iyo xoojinta Jawaari ayaa qorshuhu yahay in xal laga gaaro maamulada is diidan ee Baydhabo looga dhawaaqey, siyaasiyiinta maamulada uga dhawaaqey Baydhabo waxay sugayeen in ay la kulmaan Madaxweynaha taasi ma dhicin. Sidoo kale dhalinyaro tageersan maamulka Madoobe Nuunow Madaxweynaha looga dhigey ayaa ku banaanbaxay Madaxweynaha iyaga oo ku eedeynayey in uu la simey maamulka saddexda gobol ka kooban.

Wixii faah faahin ah kala soco Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here