Jawaari oo ka hadlay Khilaafka Madaxweynaha & R/wasaaraha

The Acting of President. "Peace and progress will triumph over cowardice and murder”
AFHAYEENKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA JAWAARI 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in Dowladdu ay u dhameystiranyihiin hay’adaha dastuurka ee dalka, isla markaana uu kalsooni weyn ku qabo in xaliyaan arinta ku aadan kala aragti duwanaanshiyaha u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa inta aan ka dhoofin garoonka Muqdisho waxa uu tilmaamay in hay’adaha dastuurka ee dalka ay dhameystiranyihiin.

“Waxaan beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay is dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan hay’adaha dastuuriga ah ee dhisan, dowladdu waxa ay awood u leedahay in arrimaheeda gaarka ah ay ku xaliso gudaha dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa in maalinta berrito ah uu soo gabo gabeeyo shirka  looga hadlayo maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo muddo soo socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here