Jawaari iyo xildhibaanno badan oo gaaray Baydhabo

Jawaari-1-300x225Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Wafdiga afhayeenka baarlamaanka Prof Jawaari oo ay jiraan wasiiro iyo xildhibaanno, waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana ay kulamo la lee yihiin dadka magaalada.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo saxaafadda la ahdlay ayaa sheegay in socdaalka Baydhabo ay ku tageen ay ka dambeysay codsi ay u soo direen odoyaasha deegaanka oo u yeeray xildhibaannada iyo wasiirrada ugu jira dowladda.

Prof Jawaari ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in maamul goboleed laga dhiso gobollada Baay iyo Bakool uu noqdo qorshe fadhiya oo la isku raacsan yahay oo horseed u ah Soomaalinnimo iyo wax wada qabsi, si looga wada shaqeeyo horumarka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in aanan loo baahneyn wax walba oo dib u dhac u keeni kara hiigsiga cusub ee Soomaaliya.

Wafdigan gaaray Baaydhabo ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay magaalada Baydhabo uu ka dhacay dibadbax looga soo horjeeday shirka hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here