Jawaari: “Goluhu uma dulqaadan karo xadgudubyada Kenya”

gudoomiyaha-baarlamanka-jawaariGuddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay tacadiyada dadka iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loogu geysto dalka Kenya, isaga oo Tusaale usoo qaatay dhacdo xalay mudo saacado ah lagu xiray Qunsulka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaasi waxaana uu falalkan Guddoomiyuhu ku tilmaamay mid aanan la aqbali Karin balse looga baahanyahay Xukuumadda Soomaaliya iney talaab deg deg ah qaado.

“Qunsulka Soomaaliyeed ee Kenya booliska inta uu qabtay ayay ku dhex dareen gaarigii ay saarnaayeen dadka sharci darrada ah, waxa uu tusay diblomaasiyadda, way aqoonsan waayeen, way xireen iyagoo aan tixgelin jagada uu hayo, xitaa safiirkii oo la socday way aqoonsan waayeen oo ciidanka tusay in uu yahay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, meelo badan ayuu la xiriiray safiirku, arintaan ma ahan oo kaliya mid xad gudub ku ah sharciga diblomaasiyiinta caalamka ee la isku ixtiraamo, ee waxaan u aragnaa mid xadgudub ah, arintaan goluhu uma dul qaadan karo, waxaan Xukuumadda ka rabnaa in ay jawaab cad ka bixiso arrintaasi” ayuu markale hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Markaasi kadib Xildhibaannada Golaha Shacabku waxay sii gudagaleen ka doodista Miisaaniyadda, talooyin dhowr ah ayeyna soo jeediyeen Xildhibaannadu talooyin ay u arkaan iney ku haboontahay in lagu kordhiyo Miisaaniyadda Dowladda.

Gebagebadii kulanka Baarlamaanka ee maanta Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaannada uga jawaabay su’aallo la xiriiray halka ay ku dambeeyeen qaraarro uu horey Baarlamaanku u ansixiyey, waxaana uu xusay in qaraaradaasi fulintooda uu Ra’isulwasaaraha gudiyo u saaray laakiinse guddiyadaasi jawaabtii laga sugayey aanay keenin xiligii loo qabtay oo ku beegneyd 18kii bishan, warqad uu Guddoonku kaga dalbanayo Ra’iisul wasaaraha jawaab hor leh ayuuna Golaha ka hor akhriyey.

Maalinnimada berrito ah haduu Alle idmo waxaa Golaha Shacabka hor imaan doona Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed si uu Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabo su’aallo la xiriira Amniga dalka, taasi oo maalmahanba ay Xildhibaannadu doodo ka lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here