Jawaari & Ergada ku Shirsan Magaalada Baydhabo oo Is Khilaafay

The Acting of President. "Peace and progress will triumph over cowardice and murder”
GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA JAWAARI

Iyadoo shalay uu gaaray Magaalada Baydhabo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa la sheegayaa inuu dib udhacay in maanta uu furmo Shirkii lagu soo dooran lahaa Hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed Seddexda Gobol.

Warar lagu kalsoon yahay oo Midnimo.com kasoo gaaraya Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in khilaaf uu soo kala dhex galay Gudoomiye Jawaari iyo Ergada shirka ku leh Baydhabo.

Odayaasha ayaa waxay soo jeediyeen in Ergadu ay odayaasha doortaan halka Gudoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari uu isna soo jeediyey in Xildhibaano katirsan Dawlada ay soo doortaan Ergada soo dhiseysa Maamulka Seddexda gobolka Hogaankiisa.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen duhurnimadii wafdi ka socda Qaramada Midoobeey oo la sheegay inay kor kala socon doonaan shirka lagu soo dhisayo Maamulka Seddexda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

FAAH FAAHINO WIXII INTAAN KA BADAN EE SOO KORDHA DIB KALA SOCDA INSHA ALLAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here