Javier Mascherano oo Messi u sheegay inuu ka tegayo Barcelona

Xidiga Argentine iyo kooxda Barcelona Javier Mascherano, ayaa lasoo warinayaa inuu xidiga ay isku xulka yihiin Messi si qaas ah ugu sheegay in xagaagan uu isaga tegayo Camp Nou.

Maamulka Barcelona ayaa damacsan ineey isbadalo xoogan sameeyaan xagaaga soo aadan, waxaana hubanti ah in Javier Mascherano uu kujiro xidigaha kooxda laga diri doono.

Iyadoo ay xaqiiqo tahay in Luis Enrique uu isaga tegayo Barcelona ayaa sidoo kale waxaa jiraan xidigo dhowr ah oo kooxda laga diri doono iyo kuwo iyaga sii go’aansaday ineey isaga tagaan.

Wargeyska Spain kazoo baxa ee Diario Gol, ayaa daabacay in Javier Mascherano, uu si qaas ah ugu sheegay xidiga ay isku dalka yihiin Messi in marka xagaagan uu dhamaado uu kooxda isaga tegi doono.

Javier Mascherano, ayaa Bisha June jirsan doona 33 sano, waxaana kooxda badalkiisa ay dooneysaa ineey keento dhiig cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here