Jasiirada siishalis oo 9 Burcad-badeed ah ku wareejisay Puntland

Burcad badeeda
Burcad badeeda

Jaziirada Siishilis, ayaa maanta 9 nin oo Burcad-badeed Soomaali ah ku wareejisay maamul Goboleedka Puntland.

Burcadaan ayaa Diyaarad qaas ah maanta waxay kasoo dajisay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garowe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed waxay si wada jir ah u sheegeen in ragan lagu hagi doono Xeerka Burcadbadeeda ee QM ay dajisay aysanna lahayn wax racfaan ah oo xukunadooda dhamaysan doonaan.

Dhalinyarada qaar oo Warfidiyeenka la hadlay waxay Puntland ka codsadeen in burcad badeeda kale ee ku silicsan Xabsiyada aduunka loo ogolaado in Dalkooda hooyo lagu Xabsiiyeeyo siiba Xabsiyada Puntland.

Ma ahan markii ugu horeeyey oo Burcad badeed laga soo dajiyo Puntland iyadoo la filayo in kuwo kalena ay wadada soo hayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here