Jarmalka: “Qaxootiga luqada bartay weey sii joogi karaan dalka”

merkel_with_refugeeKambaniyo badan oo Jarmalka ka jira ayaa baryahani ka cago jiidayay inay shaqo siiyaan magangalyo doonka kasoo haa jiray dalkoodii hooyo ,warbixintani oo ay soo saartay hay’ada shaqada ee (BA) loo soo gaabiyo magaceeda, waxay sheegaysaa inay heshay dalab shaqooyina oo gaadhaya 30.000 qof oo ay rabeen kombaniyadu .Halka ay iska diiwaan galiyeen dad gaadhaya 322.000 qoxootiya oo raadinaya shaqo inkastoo qiimayntu sheegtay laga soo bilaabo July sanadkani 141,000 dad gaadhaya inay yihiin bilaa shaqo

Hadaba madaxa qaabilsan shaqada dalkani kana mida laanta shaqada ee qaxootiga oo magaciisana la yiraahdo Frank-Jürgen Weise ayaa sheegaya ‘in qaxootiga bartay luqada shaqana haysta isdhexgalka bulshadana sameeyay uu yahay muhiim loona baahan yahay ‘waxa kale oo uu sheegay in qofka aan danbiile ahayn uu xaqiisa heli karo isagoo naftiisa dhisaysa sidii qof caadiya unoolaan karo

Qaar kale ayaa iyaguna fikirkooda ku cabiray ayaa sheegaya in looga baahan yahay qaxootigani shaqada muhiimka ah haysta inuu haysto sharci ku filan joogistiisa dalkani ama aan idhaahdee lasoo ansixiyay inuu leeyahay waraaqo qaxootinimo wayna jiraan boosas ay buuxin karaan oo muhiima ayay sheegeen iyakuna

Dhanka kale Kombaniyada waa weyn ee dalkani ayaa si ofishal ah u qaatay bilihii u danbeeyay shaqooyinka sar sare ee dhinaca IT information Technolgyga dad gaadhayay 54 qof oo ay ugu talo galeen shaqo buuxda maxaa yeelay dadka intooda badan marka la yidhaahdo reer Suuriya waxaa loo ogolaaday sharciga binu aadantinimada kaasi oo intooda badan ah inay joogi doonan waqti cayiman sidaasi darteedna may kasban shaqooyinka aan soo sheegney sidaa waxaa macneeyay xubnaha ka socday qaybaha kala duwan kombaniyadaasi

Isku soo wada duuboo waxaa socda in la sameeyo sidii wax looga badali lahaa ama meel dhaxe laysugu iman lahaa marka la eego kombaniyadaasi dalabkooga nooca deganaanshaha qofku haysto ee ay rabaan inay ku tix galiyaan shaqadiisa taasi macnaheedu wuxuu noqonayaa in maxkamada sare ee qaxootigu ay dib u eegis ku samayso dadka aqoontoodu sarayso ee aanan loo ogolaanin sharci aan mudadiisu dheereyn balse qofku ahaa qaxooti iyo in looga faaiideeyo qaxootiga shaqaysan kara waxna bartay sida luqada Jarmalka inuu heli karo sharcigaasi mudada dheer ee qaxootiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here