Japan oo Soomaaliya ugu deeqeysa $40 milyan

 

Shinzo Abe iyo Xasan Sheekh
Shinzo Abe iyo Xasan Sheekh

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqayso afartan milyan oo doollar oo loogu talagalay in lagu hirgeliyo mashaariic horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.

Raysul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa sheegay in deeqda lagu bixin doono; caafimaadka, tayo-gelinta ciidanka booliska iyo abuurista shaqooyin ay ka faa’iideysan karaan haweenka iyo dhallinyarada.

Wuxuu tilmaamay in ay Japan sii kordhinayso taageerada ay siinayso Soomaaliya.

Shinzo Abe ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Japan ku kulmeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay gargaarka Japan ay siinayso Soomaaliya, si ay uga soo kabato dhibaatooyinkii kasoo gaaray bur-burka iyo dagaalladii sokeeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here