Japan oo Shiinaha oo isku haya dhul

_90720296_d46af91d-f56e-4c20-83e5-760fb20e6ebeDalka Japan ayaa ugu baaqay shiinaha in ay ka baxdo biyaha badda koonfurta Shiinaha ee uu muranka ka taagan yahay.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in murankani uu sii xumeynayo xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan ayaa u yeertay safiirka Shiinaha u fadhiya Tokyo, si ay u muujiso mowqifka Japan uu ka taagan yahay arrinta dhulkaasi la isku haya.

Wasiirka wasaaraddaasi ayaa ku eedeeyay xukuumadda Beijing in ay hurineyso xiisadda ka taagan gobolka.

Dowladda Japan ayaa sheegeysa in dhiggeeda Shiinaha ay halkaasi u dirtay in kabadan 200 oo ah doomaha kalluumeysiga iyo maraakiibta ilaalada xeebaha kuwaasi oo qaarkood aad u hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here