Japan oo lacago siineysa Soomaaliya

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Japan ayaa lagu sheegay xukuumada Tokyo in ay Soomaaliya siineyso lacag lagu sheegay 4000,000 oo dollar, taasoo wax looga qaban doono qaraxyada iyo miinooyinka.

Sidoo kale waxaa jirta  lacag dhan $55.4 milyan oo loogu talagalay in lagu taageero mashaariicda dib u dhiska iyo gargaarka aadaninimo ee dalka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Japan ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in deeqda Soomaaliya loo sii marin doono hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga a, isla markaana lagu bixin doono dib u dhiska, horumarinta iyo samafalka.

Japan waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto sidii ay u heli lahayd nabad iyo xasillooni buuxda.

Japan tan iyo sannadkii 2010 waxa ay ka gacan siiyay hey’adda miina baarista u qaabilsan QM ee UNMAS in ka badan o 60,000 oo Soomaali ah oo isugu jira rag, dumar iyo gabdho iyo wiilal ay kabadbaadisay miinooyin ku qarxi lahaa

Dajiraha dowladda japan u fadhiya Soomaaliya  Toshihisa Takata in dowladiisa ay ka go’antahay siddii ay u ballaarin lahayd mashruucyada ay ka wado Soomaaliya, gaar ahaan dadka ku dhaqan xeryaha barakacayaasha ee dalka.

Isku soo duub Tan iyo sanadkii 2007 dowladda Japan waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $293.9 milyan.

Hey’addan UNMAS oo Qaramada Midoobay arrimaha miinada waxa ay maanta ka howlgashaa waddamo badan sida: Afghanistan, Chad, Colombia, Côte d’Ivoire, Cyprus, Democratic Republic of the Congo, Lebanon, Libya, State of Palestine, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Western Sahara (MINURSO).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here