Jannaale: Madfac ay rideen ciidamada AMISOM oo dilay 6 qof oo hal qoys ahaa

amisomWararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Madfac ay rideen Ciidamada AMISOM ay Qoys ka koobnaa Siddeed Ruux uu Lix kamid ah Qoyskaasi Dilay Madfaca islamarkaana dhaawacay illaa Labo kale.

Qoyska uu ku dhacay Madfaca ayaa degenaa Tuulada Faranga oo 5-KM u jirta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage ayaa sheegay in Madfaca ay rideen Ciidamada AMISOM islamarkaana uu ku Habsaday Qoyska ka Koobnaa 8 Ruux oo Lix kamid ah ay Goobta ku dhinteen,halka Labada kale uu Dhaawac Halis ah soo gaaray.

AMISOM weli wax war ah kama soo saarin Duqeynta Ciidamadooda ay ku dileen Qoyska Degenaa Duleedka Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana ay noqdeen kuwo soo laab laabta Dadka Rayidka ah ee ay Dilaan Ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here