James No.10 Pale garabka Midig: Sidee ayuu Zidane u kala safi doonaa xigiha Real Madrid?

Tababaraha Real Madrid Zidane
Tababaraha Real Madrid Zidane

Zinedine Zidane, oo shalay si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee naadiga Boqortooyada Real Madrid, ayaa lagu wadaa inuu isbadal weyn ku sameeyo shaxda Naadiga kulanka ugu soo horeeyo ee Depotivo La Coruna.

Shaxda uu Zidane uu dooran doono, ayaa lagu sheegay ineey tahay 4,2,3,1, waxaana tan ay la micno tahay in Zidane uusan u baahneen Burburiye dhexda ah, waxaana uu xooga saari doonaa ciyaar ku dhisan weerar.

Sidoo kale Zidane ayaa jaanis weyn siin doona Daafaca da’da yar ee ay isku wadanka yihiin Raphael Varane, asigoona ku lamaanin doona Sergio Ramos, halka Pepe keydka la gelin doono, sidoo kale waxa uu garbaha usoo xulan doonaa Daniel Carvajal iyo Marcelo.

2485332

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here