Jahbadda Raaskoombooni oo sheegtay in ay qabsanayso dhowaan magaalada Kismaayo

Ururka Raaskaamboni oo kamid ah ururada ka soo horjeeda maamulka Alshabaab ee gacanta ku haya qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa ku hanjabay inuu qabsan doono dhowaan magaalada dekeda ah ee Kismaayo.

Sarkaal u hadlay maamulka Raaskamboni ayaa waxa uu sheegay in dhowrka maalmood ee soo socda ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay kusugan yihiin duleedka degmada Afmadow iyo Badhaadhe oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose balse maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Sarkaalkan ayaa ku eedeeyey ururka Alshabaab inay dhibaato ku hayaan shacabka gobolka Jubbada Hoose isla markaana dadka u diideen in ay nolol ka raadsadaan deegaano kale.

Saraakiisha dowladda, Kenya, Raaskambooni waxa ay marar badan ku celceliyeen in ay soo afjarayaan Shabaabka Jubooyinka ayna la wareegayaan magaalada Kismaayo oo ay ku xoogan yihiin Xarakada Al Shabaab.