Jaceylka qaxootiga Soomaaliyed ay u qabaan dalkooda

Qoxootiga_Somalida_Dhadhab

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday hayadah qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, markii ay bilaaberen caawinta dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaa jiro qaxooti doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in UNCHR ay wareysatay qaar kamid ah qaxootigaasi kuwaasi oo jecel inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, waxaana kamid ah Hooyo Daahiro Xuseen oo 22 sano jir ah, heysatana Afar caruur ah, sida ay u sheegtay UNHCR.

Daahiro ayaa sheegtay inay jeceshahay inay noqoto qofka ugu horeeya ee kusoo laabta dalka, maadaama ay sheegtay inay dooneyso inay dib ula midowdo qoyskeda, walaalaheed, aabaheed, hooyadeed iyo ilmo sagaal jir ah oo ay dhashay, kaasi oo hooyadeed ay u heysay.

Daahiro iyo seygeeda Cabdiqaadir Ibraahim Cabdi ayaa ka cararay dalka Soomaaliya markii abaarta ay ka dhacday dalka Soomaaliya July 2011, iyadoo Daahiro ay sheegtay in markii ay tagtay Kenya ay ka tagtay wiilkeeda yaraa oo hooyadeed ay u heysay.

“Hooyadeey waxay i dhahday, markii qoyska dhanka ay kasoo tageen Somalia oo Kenya ay tageen, inay xanaaneyso wiilka yar, sidaasi daraadeed markii ay isaga eegto, waxay soo xasuusaneysay qoyska”sidaasi waxaa tiri Daahiro Xuseen.

Sidoo kale waxay sheegtay in iminka ay heshay warbixinta ku aadan in hooyadeed ay xanuunsan tahay ayna ku qasban tahay inay ku laabato Kismaayo, oo kamid ah goobaha loo qorsheeyay in lagu soo celiyo qaxootiga ku sugan Kenya.

Sidoo kale dad kale oo qaxootiga ka mid ah kuwaasi oo u sheegay UNHCR inay doonayaan inay dib ugu soo laabataan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here