Jabuuti oo qalab Milatari ugu deeqday Ciidamada doowlada ee B/weyne

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa qalab ciidan ugu deeqay ciidamada doowlada ee ku sugan magaalada B/weyne ee Xaruunta gobolka Hiiraan.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo ugu horeyn ka hadllay munaasabad lagu qabtay xerada ciidamada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in deeqdan la soo gaarsiiyay ciidamada si toos ah uga timid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sida uu sheegay ku farxay howlaha kala duwan ee ka socda magaalad gaar ahaan wax ka qabashada nabad-galyada oo siweyn leysugu howllay.

“Deeqdan waxaa ay ka kooban tahay dareys Isboorti, kabo iyo tuute loogu talagalay ciidamada, waxaana ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo runtii siweyn ugu qancay dadaalka ballaaran ee maamulka gobollka iyo ciidamada oo iskaashanaya loogu jiro sugida amniga,” ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Sidoo kale Taliyaha ayaa intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in ciidamada Qalabka sida ay helaan labisyo isboortis iyo kuwo Milatari, isagoona xusay in qalabkan ay ka mid yihiin Isboortis.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida uu had iyo jeer u garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.

“Sababta dareyskan Isboorti leydinku deeqay waa in Askariga iyo cayaaruhu marnaba kala marmin, sidaa daraadeed waan in aad ka faa’ideystaan oo waqtiyada aad fursada leedihiin jir dhis sameysaan, taasoo xitaa sahli karta in aad ka hartaan balwada qeybaheeda kala duwan,” ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here