Jaamacadda SIMAD oo soo gabagabeysay bandhig loogu magac-daray todobaad dhaqanka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay bandhig dhaqameed loogu magac daray toddonaadka iyo dhaqanka.

Bandhiggan waxaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismaha ku yaalla waddada warshadaha ee degmada Wardhiigleey.

Muddo toddobaad ah ayey ka socotay bandhiga dhaqanka ee (Cultural Week) kaasoo Sabtidii ka billowday xarunta jaamacadda SIMAD, intii uu socday bandhigga dhaqanka, waxaa lagu soo bandhigay tartamo isugu jiray dhaqan, diini iyo kuwa ciyaareed oo dhammaantood abaal-marinno lagu siiyay dadkii kaalmaha fiican ka galay.

Xafladda xirtaanka oo ay kasoo qayb-galeen ma’suuliyiinta Jaamacadda, ardayda, abwaanno, waalidiin iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo muujinaya dhaqanka Soomaaliyeed, sida farshaxanka, dad xiran dharka hiddaha iyo dhaqanka iyo agabyo kale oo ay Soomaalidu farsameyso, kuwaasoo looga dhaqmo miyiga.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cabdiraxmaan Maxamed xuseen Odowaa oo ka hadlay xiritaanka bandhigga toddobaadka dhaqanka ayaa sheegay in arrintan aysan wax cusub ahayn, balse horrey Jaamacadda u qabtay, waxaana looga gun lee yahay ayuu yiri siddii ardayda Jaamacadaha dhigta maskaxdooda farxad loo galin lahaa, waaan sii wadi doonaa ayuu sii raaciyay.

Ardaydii ku guuleystay tartanka Qur’aan akhriska ayaa abaal-marinno kala duwan la guddoonsiiyay, sidoo kale ciyaartooy ku guuleestay tartan kubadda cagta ayaa iyagana abaalmarinno helay, halka suugaanta Soomaaliyeed ay ku badiyeen dad kale oo xafladda lagu maamuusay.

Jaamacadda SIMAD waxa ay ka mid tahay jaamacadaha ugu fiican ee ku yaalla Muqdisho, waxaana muddadii ay jirtay soo martay dhibaatooyin waa wayn gaar ahaan intii dagaalad ay dagaalada ka socdeen dalka waxaana looga dilay dhowr howlwadeeno iyo arday isugu jirra.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here