Jaamacadda Sanca & UNHCR oo ku heshiiyay ardayda Soomaalida in deeqo wax barasho la siiyo

Jaamacadda Sanca ee dalak Yemen
Jaamacadda Sanca ee dalak Yemen

Jaamacadda Sanca oo ka mid ah jaamacadaha ugu casrisan dalka Yemen iyo hey’adda QM u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR, laanteeda dalka Yemen ayaa ku heshiiyay in deeqo wax barasho la siiyo ardayda Soomaalida ee ku nool dalka Yemen.

Guddoomiyaha Jaamacadda Sanca iyo madaxda UNHCR laanteeda dalka Yemen, oo kulamay Isniintii shaley, ayaa ka hadlay siddii dhinaca waxbarashada looga caawin lahaa ardayda ku nool dalkaas ee aan awoodin in ay iska bixiyaan waxbarashadda dugsiga sare.

Waxa uu guddoomiyaha Jaamacadda Sanca uu ballan qaaday in sannadkasta ay siin doonaan deeqo waxbarasho ilaa 20 arday oo dhammeesatay waxbarashada dugsiga sare ee ku yaalla dalka Yemen.

Ardayda Soomaalida ayaa la siin doonaa deeqo waxbarasho oo kala Saynis iyo Arts.

Waa mar kii ugu horreysay oo Jaamacadda Sanca ay deeqo waxbarasho siineyso ardayda Soomaalida ee ku nool dalka Yemen gaar ahaan Sanca.

Yeeman sannad kasta waxa ay deeqo waxbarasho siisaa Soomaaliya, balse ardaydaas waxa ay ka yimaadaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here