Jaamacadda Carabta oo Soo Dhowaysay Geedi Socodka Nabadda Soomaaliya

Dr. Nabiil Al Carab Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa soo dhoweeyey dadaalada looga baxaayo xilliga KMG ah ee ka socda dalka Soomaaliya.

Dr. Nabiil Al Carab Xoghayaha guud ee Jaamacadda ayaa shaaca ka qaaday in uu aad ugu faraxsan yahay sida dar darta leh ay ku socdaan howlaha looga gudbayo xilligaan kala guurka ah. isagoo si weyn usoo dhaweeyay in Soomaliya ay ka gudbeyso xilliga KMG, una tallaabeyso dowladda ay si joogta ah u shaqeynayaan Hay’adaheeda kala duwan.

Xoghayaha Guud Jaamacadda Carabta ayaa Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Barlamanka in ay soo doortaan hoggaamiye awood iyo karti uleh in uu ka samata bixiyo dalka marxaladda haatan uu ku jiro, isagoo dhanka kalana tilmaamay in Soomaliya haatan ay qaaday wadadii caalamka intiisa kale ay wax kula qeybsan laheyd.

Hadalka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa kusoo aaday xilli tobanka bishaan ay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya dooranaayaan Madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here