Jaamacadaha South Africa oo xiisadaha lagu daray luuqada Zuluuga

Laga billaabo sannadka soo socda, Jaamacadaha ku yaalla dalka South Africa waxaa lagu qasbay in ay xiisadaha ku daraan luuqda Zuluu oo ay ku hadlaan dad badan u dhashay dalka Soth Africa.

Arrintan ayaa dhawaan looga dhawaaqay kulan ay madaxda dhaqanka dalkaas la yeesheen Profisoorada wax ka dhiga Jaamacadaha dalkaas.

Arrintan ayaa looga gun lee yahay siddii kor loogu qaadi lahaa dhaqanka iyo afka Suulaha oo ka mid ah luuqadaha looga hadlo dalka South Africa.

Luuqada Zuluu waxa ay ka mid tahay luuqadaha ugu waaweyn oo ay ku hadlaan dadka reer South Africa gaar ahaan 14-ka luuqadood ee lagu hadlo dalkaas.

Waa markii ugu horreysay oo Jaamacadaha South Africa laga dhigo luuqada Suluu, dad badan ayaa aaminsan in ay luuqadan ay tahay luuqada Hooyo.

Inta badan luuqadah sida wayn looga hadli jiray dalka South Africa tan iyo sannadkii 1994-dii waxa ay kala ahaayeen English iyo Afrikaans, gaar ahaan Dutch.

Xisbiga hadda talada haya dalka South Africa ANC) iyo dowladda ayaa dhabarka u xiratay in luuqadan laga dhigo luuqada kaliye ee looga hadlo dalkan waxaana ay dadka ku booriyeen in la barto.

Wakaalada wararka AFP ayaa leh 80% waxa ay dadka South Africa ku hadlaan luuqada Zulu. waxaana la lee yahay waa dalka kaliye ee wargeysa ku qora luuqda Zulu qaarada Africa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here