Jaamacada ugu caansan dalka Talyaaniga oo kulliyadaheeda oo dhan loo badalayo English

Jaamacada Politecnico di Milano oo ka mid ah kuwa hogaanka u haya dalka Talyaaniga ayaa go,aansatay in ay ka guurto luqada Talyaaniga hada kadibna kulliyadaheeda oo dhan lagu bari doono luqada Ingiriiska.

Jaamacada oo ku  taala magaalada Milano ee dalka Talyaaniga isla markaana ka mid ah kuwa ugu faca weyn dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan shahaadooyinka ay bixiso ay noqon doonaan kuwo ku baxa afka Ingiriisiga marka la gaaro sanadka 2014-ka, halka awal lagu qaadan jiray af Talyaani.

Madaxda jaamacada ayaa sheegay in haatan aduunyadu ay wax walba noqonayaan caalami, Jaamacunada ay ku jirto tatan caalami ah oo jaamacaadka aduunka ah, sidaasi daraadeed ay ka baqeen in ay hoos u dhacaan hadii ay kusii wadaan waxbarashada afka Talyaaniga.

“Waxaan si xoogleh u rumeysanahay in fasaladeenu noqon doonaan kuwo caalami ah marka tan kaliyah ee aan ku noqon karno waa in aan adeegsanaa luqada Ingiriiska,” sidaasi waxaa yiri hormuudka Jaamacada Giovanni Azzone.

Professor Azzone oo ka mid ah barayaasha jaamacadan ayaa rumeysan in hadii jaamacadu ay rabto in ay kusii jirto tartamada jaamacadaha caalamka ay sameyso isbadal si ay usoo jiidato arday badan oo ku hadla luqada Ingiriiska.

Waxa kale oo uu saadaalinayaa in 10-ka sano ee soo aadan ay jaamcadaha Talyaaniga 10 ka mid ah iyana u wareegan doonaan luqada Ingiriiska.

Jaamacadan ayaa ah tan ugu qadiimisan kuwa ka dhisan magaalada Milano, waxay caan ku tahay kuliyadaha Injineerinka, Seyniska, cilmiga barashada dadki hore iyo kuwo kale oo muhiim ah, waxaana hada ka hor ay ku guuleystay abaalmarinta Nobel prize.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.