Jaamacada Carabta iyo doowlada Masar oo Muqdisho Safaaradahooda ka furanaya

Sida uu qoray wargeys kasoo baxa dalka Masar, waxaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan uu magaalada muqdisho soo gaaro, wasiirka arimaha dibadda ee dalka Masar Maxamed Kamaal Camir iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dalka Masar.

Dowlada Masar ayaa sheegtay inay sanadkan furi doonto Safaaradii ay ku lahaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirul Dowlahaha Arrimaha Dibada iyo xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal.

Sidoo kale wuxuu Wasiirul Dowlaha sheegay in bisha soo socota ee April lagu wado inay Muqdisho yimaadaan wafdi balaaran oo ka socda Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Nabil Al Carabi.  Jaamacada Carabta ayaa iyaduna dooneysa inay xafiiskeeda Muqdisho dib u furto.

Sidoo kale, doowlada boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in iyana ay safaaradeedii Muqdisho dib u furaneeyso kadib 20 sano.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here