
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Nederland, iyadoo lagu wargelinayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Wadamada Belgie, Jarmalka, Nederland iyo dalalka kale ee ku dhow in ay kasoo qeybgalaan munaasadan lagu soo dhoweynayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.
Adreska goobta ay xafladda soo dhoweynta ka dhaceso ayaa ah sidan Weigelia 22, Postcode: 2262 AB Leidschendam, waxaana la filayaa in ay ka soo qeybgalaan boqolaal dadweyne oo xiiseynaya khudbada uu Safiir Ameeriko ka jeedin doono xafladani soo dhoweynta ah.