Jaaliyadda Banaadiriga ee Yurub iyo Mareykanka oo dugsi quraan u furay barakaceyaal (Sawiro)

Jaaliyadda Banaadiriga ee ku nool qaaradaha Yurub iyo Mareykanka ayaa deeq soo gaarsiiyay dadka barakaceyaasha ah ee kunool xerooyinka barakaceyaasha ee kuyaalla Gobolka Banaadir kuwaasi oo kasoo barakacay qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya oo abaaro ay ku dhufteen.

Deeqdani ayaa waxaa kasoo aruuriyay jaaliyadaha Banaadiriga ee Yurub iyo mareykanka Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid kaasi oo kusoo hagaajiyay Xildhibaan Caamir Axmed Maxamed (Jakeeti), waxaana Xildhibaan Caamir Deeqdani uu ka qeybiyay qaar kamid ah xerooyin barakaceyaal oo kuyaalla degmada Hodan.

Deeqdani ayaa waxaa la gaarsiiyay caruurta barakaceyaasha ee degan Xerada Barakaceyaasha ee Jeerow oo kutaalla degmada Hodan, waxaana ay ka koobneyd deeqdani buskut nafaqeysan iyo sidoo kale caano loogu talagalay caruurta ay nafaqo darida heysa.

Waxaa goobta ka hadlay Xildhibaan Caamir Jakeeti wuxuuna sheegay in deeqdani ay tahay tii bil kasta ay xerooyinka barakaceyaasha ay gaarsiin jireen xerooyinka barakaceyaasha sidaasi oo kalena ay sii wadi doonaan nafaqeynta caruurtaasi barakaceyaasha ah.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali OBO oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in deeqdani aysan aheyn tii ugu horeysay ayna u rajeynayaan in caruurtii ay gaarsiiyeen nafaqo uu ilaaheey ugu daro isla markaasina waxa uu si aad ah ugu mahadceliyay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo uu sheegay in mar waliba uu ku dadaalo sidii dadka barakaceyaasha wax loogu qaban lahaa.

Dhinaca kale Xildhibaan Caamir Jakeeti iyo Xildhibaan Maxamed Sh.Cali Obo waxa ay xariga ka jareen dugsi quraan loogu talagalay in illaa 200 arday ay wax ku bartaan, waxaana ay uga dhiseen Dugsigaasi degmada Wardhiigleey gaar ahaan goob xero weyn oo barakaceyaal ay kutaalo.

Xildhibaan Caamir Jakeeti ayaa dhismaha Xarunta Dugsiga ku wareejiyay Macallinkii dugsigaasi iyo sidoo kale horjoogeyaasha xerooyinka barakaceyaasha ee degmada Wardhiigleey kuyaalla, waxaana uu ballan qaaday in inta karaankooda ah ardayda barakaceyaasha ay ku dadaali doonaan sidii wax loo bari lahaa si mustaqbalkooda dambe aysan u noqon kuwa ku khasaara.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali (Obo) ayaa waxa uu ku booriyay dadka barakaceyaasha ah in ay ka faa’ideystaan dugsigani quraanka ee loo furay isla markaasina ardaydooda ay wax baraan si ay u noqdaan kuwa mustaqbalkooda wax isku tara.