Jaaliyadaha suuriya oo kusoo biiraya dagaalka lagula jiro Asad

Haweeneey suuriyaan ah haysatana dhalashada Canada ayaa go’aansatay ineey kasoo tagto magaalada Toronto si ay ugu soo biirto ciidamada xorta siiriya(FSA) oo hada dagaal adag kula jira xukuumadda siiriya.

Thwaiba Kanafani, waa 41 sano jir waana hooyo leh laba caruur ah waxay kasoo tagtay wadankii ay ku noolayd ee Canada Bishii June ee lasoo dhaafay si ay uga barbar dagaalanto ciidamada xorta,cajil ay dhowaan soo galisay barta internet-ka ayay ku muujisay ineey soo gaartay gudaha suuriya.

Thwaiba Kanafani, ayaa intii aysan soo aadin suuriya waxay sheegtay ineey kaqeyb gashay shirar dhowr ahaa oo mucaaradka loogu qabtay wadamada Turkiga,iyo masar waxayna tilmaamtay ineey ku aragtay kala qeeybsanaan aad udaran.

Thwaiba Kanafani, ayaa sheegtay in markii ay bilaawday kacdoonka suuriya bilawgii 2011 ay shaashadaha kala socotay dhaqdhaqaaqyada wadankeeda iyo waxa maalinkasta kadhaca,waxayna sheegtay ineey Go’aansatay ineey usafarto suuriya si ay udifaacdo shacabkeeda awoodana looga tuuri lahaa Bishaar Asad.

Thwaiba Kanafani, ayaa sheegtay in markii ay gaartay gudaha suuriya ay ciidamada xorta si aad u diiran usoo dhaweeyeen kadib markii ay usheegtay ineey soo jiirtay siliga kala qeybiya wadamada Suuriya iyo Turkiga.

Waxay sheegtay in dhinaca waqooyiga ay si buuxda gacanta ugu hayaan kooxaha mucaaradka balse ay haystao dhibaato dhanka hub yaraan ah iyo kala qeybsanaan dhaxdooda ah.

Wargays lagu magacaabo Globe and Mail ayaa 13 july qoray in Kanafi laga raacdeeyay kooxda kadib markii lagu tuhmay ineey lashaqayso musaadka Srael ama nidaamka asad.

Kanafi ayaa dhankeeda beenisay eedeeymahaas waxayna tiri “hadii aan ahay jaasuus sraeli ah lama aanan shaqeeyeen hada”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here