Jaaliyada Soomaaliya ee Sudan oo Hambalyo u Dirtay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud

Munaasabadaan loogu hambalyeeynayay Madaxweeynaha Jamhuuriyada Federaal ka ah ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud oo aheeyd mid aad u ballaaran ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Safaarada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ee Sudan, Jaliyada, Midawga Ardayda Soomaaliyeed, Ururka Fanka iyo Hidaha iyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan taasoo xalay Fiidkii lagu qabtay hoolka Shirarka Caalamiga ah ee Afrika ee Magaalada Khartoum.

Xaflada oo si weeyn looga soo qeeyb galay ayeey dadweeynihii Fadhiyay Hooolka Munaasabadu ay ka dhaceeysay oo Rag iyo Hablaba lahaa waxa ay luxayeen Calanka Soomaaliya iyo Sawirka Madaxweeynaha Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud ayadoo kooxda Baanbeeyda ay garaaceen Musiga Astaanta Qaranka Soomaaliya.

Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay Heeso wadani ah Filimaan taariikhi ah oo laga diyaariyay taariiikh nololeedka Madaxweeynaha iyo Qudbadiisii ugu horeeysay ee uu Madaxweeynuhu Jeediyay Markii loo doortay Jagada Madaxweeyninimo ee Soomaaliya, waxaana Munaasabada ka hadlay Dublumaasiyiin, Siyaasiyiin, Masuuliyiin, Martisharaf Ajaanib ah iyo Xubno ka tirsan Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan kuwaasoo dhamaantood ka simnaa u hambalyeenta Madaxweeynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Musuuliyiintii ka hadashay Xafladii xalay loogu hambalyeeynayay Madaxweeyn Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirkii hore ee Soomaaliya u Fadhinjiray dalka Sudan Mudane Mahdi Abuubakar Max’ed, Qunsulka Safaarada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ee Sudan Mudane Ibraahim Guure Max’ed, Madaxa Xafiiska Hidaha iyo Tacliimta Safaarada Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamuud Cali “Gulane”, Qunsulka Safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cali Ceelaabe, Madax iyo Xubno ka tirsan Xisbiga Horumarinta Nabada ee (PDP) ee haatan haaya talada dalka, Madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sudan oo u hadlay Mudane Aadam Cabdi Saneey, Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Aqoonyahanno ay ka mid ahaayeen Dr Xuseen Bashiir Sh. Cumar, Ustaad Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe oo ah Madaxa Gudiga Qaban-qaabada Xafladii Xalay, Ustaad Aadam Shiikh Xasan Xuseen “Azhari” oo Xubin fir-fircoon ka ahaa Gudiga Qaban-qaabada Munaasabada, Xog-hayaha guud ee Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan Mudene C/fitaax Xuseen Jaamac “Jeex-Jeex”, G/ku Xigeenka Ururka Wadaniga ah ee Jiilka Cusub Mudane Max’ed Ismaaciil Sh. Cumar “Khatami” oo ah Isku duba ridaha iyo soo saaraha Xafladii Xalay, Abwaan Max’ed C/qaadir “Istansa” Mama Maryam Abuukar, Gudoomiyaha Ururka Wacyi galinta iyo Hanuuninta dhalinyarada Soomaaliyeed Mudane C/wali Xasan Xuseen iyo Masuuliyiin kaloo fara badan.

Dhanka Marti Sharafta Ajaanibta ah ee xalay Munaasabada ku Casuumnaa waxaa ka mid ahaa Masuuliyiiin iyo Siyaasiyiiin Sudan u dhashay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr Max’ed Dayib C/llaahi, iyo Ustaad Fatxuraxmaan Raxmatallaah oo ayagoo ku hadlaya magaca Shacabka aan walaalaha nahay ee Sudan u Hambalyeeyay Madaxweeynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud.

Isku soo wada duuboo Munaasabadii Xalay loogu hambalyeeynayay Madaxeeynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka duwneed wax badan Xafladihii horey uga dhici jiray dalka Sudan ayadoo ay Xusid Mudantahay in Madaxweeynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu Sanad ka hor bishaan oo kale taariikhdu Markeey aheed 16/09/2011 dii in isla hoolka ay xalay Xafladu ka dheceeysay loogu qabtay Dood Cilmiyeed ay ka soo qeeyb galeen Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan wax ka barta waxaana lagu wadaa Isla Taariikhdaas 16 Bisha Sagaalaad sanad ka dib in lagu wareejiyo Talada Madaxweeyninimo ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Ismaaciil Sh. Cumar “Khatami”

Khartoum-Sudan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here