Ivory Coast iyo Mali oo isku dhagan iyo Drogba oo baqaya

Waxaa caawa laguw adaa in la ciyaaro wareega Semi-finalka koobka Qaramada Africa iyadoo ciyaarta ugu adag ay dhexmari doonto labada dal ee Cote d’Ivoire  iyo Mali.

Xeel dheerayaal badan oo dhinaca kubada cakta ah ayaa u saadaaliyey xulka lagu naaneeso Maroodiyaasha ‘Elephants’ ee Ivory Coast in ay gaari doonaan finalka xulka kale ee Mali-na uu hari doono.

Laakin kabtanka xulka Ivory Coast Didier Drogba ayaa rumeysan in Mali aysan sahlaneyn lana oran karin in hari doonaan.

“Ciyaaraha wey is badaleen, waqtigana wuu is badalay marka ma eedeyn karno mar walba koox ku saleysan qaab ciyaareedkeedi hore, Mali waa koox xoog leh waana ix tiraameynaa, waxay gaareen wareega afar dhamaadka awoodooda ayey ku tageen iyo tayadooda , marka way nala ciyaari karaan kubad qatar ah,” ayuu yiri Drogba oo wareysi siiyey boga Goal.com.

Mali waxay kasoo badiyeen Axadi lasoo dhaafay xulka Gabon oo ay ku garaaceen rogoorayaal, waxaana caawa laga yaabaa in ay ka badiso Ivory Caast oo ah xulka ugu adag Africa xiligaan marka laga reebo Ghana.

Ciyaarta kalana waxay dhex mari doontaa Ghana iyo Zambiya, waxaana dadku ay saadaalinayaan in Ghana ay soo bixi doonto.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.