Itoobiyaan lagu dilay Baladweyne

Ugu yaraan 5 ruux oo ku jireen laba askari oo Itoobiyaan ayaa maanta ku dhimatay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib marki qarax lala eegtay ciidamo ku lugeynayey bartamaha magaalada.

Qaraxa ayaa ka danbeeyey marki miino lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah oo biyo ka dhaansanayey qaarkoodna ku lugeynayey wadada sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku sugan Baladweyne.

Miinada oo sidoo kale dhaawacday in ka badan shan askari oo Itoobiyaan ah ayaa markiiba galaafatay nolosha laba askari oo ka mid ah milatariga Itoobiya ee jooga Baladweyne.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka la weeraray ay ka daba carareen nin marayey wadada oo marki uu qaraxa dhacay kadib cararay, kaasi oo ay ugu galeen guri uu ku orday kadibna dilay isaga iyo laba ruux oo kale.

Tan iyo saakay ayeyey magaalada Baladweyne aheyd mid aad u kacsan iyadoo bandow ay maamulka gobolka Hiiraan saareen xaafadaha magaalada laga qaaday salaadi duhur ee maanta kadib.

Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu qasaaraha badnaa ee Baladweyne loogu geysto ciidamada Itoobiyaanka tan iyo marki ay soo galeen bilowgi sanadkaan 2012.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.