Itoobiya oo ku dhawaaqday in ciidankeedu ay mudo dheer sii joogi doonaan Somalia

Dowlada Itoobiya ayaa badashay siyaasadeedii aheyd in ay kala bixi doonto Soomaaliya ciidamada ka jooga, iyaga oo haatan joogi doona bay tiri ilaa uu ka dagayo dalkaan ay daashadeen colaadaha.

Afhayeenka dowlada Itoobiya Shimeles Kemal ayaa carabka ku dhajiyey in ciidankooda ay baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya ilaa uu xoog ka yeelanayo milatariga Soomaaliya oo aanan haatan awoodin in ay iska caabiyaan kooxaha mucaaradka.

“Ethiopia baaqi ayey kusii ahaan doontaa Soomaaliya ilaa dowlada KMG Soomaaliya ay si iskeed ah isu xoojiso oo ay ka noqoto dowlad ka hor tagi karta weerarada kaga imaanaya maleeshiyaadka,” ayuu yiri Shimeles Kemal oo ah afhayeenka dowlada.

Addis Ababa ayaa gelisay dalka ay jaarka yihiin ee Somaliya boqolaal ka tirsan milatarigeeda bishi November ee sanadki hore si ay ugu furto waji aag kale oo sadexaad oo dagaal ah Xarakada Al Shabaab.