itoobiya oo Heshiis kala dhex dhigtay maamulada Galmudug & Puntland

gaalkacyoWar kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis la kala dhex dhigay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Saraakiil ka socotay Itoobiya oo shalay Gaalkacyo gaaray, ayaa ku guuleeystay ineey heshiisiiyaan labada maamul oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay Gaalkacyo.

“Ujeedadu waxeey ahayd in la joojiyo dagaalka ka dhacay Gaalkacyo” sidaas ayaa lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.

Sidoo kale qoraalka Itoobiya kasoo baxay waxaa lagu sheegay, in labada dhinac ay si shuruud la’aan ah xabada ku joojinayaan, sidoo kale waxaa hakad la gelin doonaa dhismaha Maxjarka xoolaha oo uu dagaalka ka bilaawday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here