Italy 1-1 Spain + Sawiro

Xulalka Talyaaniga iyo Spain ayaa isku mari waayey kulan ka tirsanaa group-ka C ee koobka Qaramada Yurub kadib marki ay ku kala baxeen bar bar dhac 1-1 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-0 ah, inkastoo labada dhinac ay isku haleen fursado wanaagsan oo gool lagu dhalin karay.

Laakin gelinki danbe ayey Talyaanigu sameeyeen is badalo iyadoo macalina Prandelli uu goobta keenay Antonio De Natale oo lagu badalay Mario Balotelli, waxaana De Natale u suura gashay inuu gool u saxiixo daqiiqadii 61-aad.

Spain oo ka wanaagsaneyd Talyaaniga xaga weerarka iyo kubad heysashada ayaa sadex daqiiqo kadib u jawaabtay waxaana marki ay ciyaarta mareysay 65 gool qurux badnaa u dhaliyey Cesc Febragas oo ka dhigay 1-1.

Sidaasi ayeyna kusoo idlaatay ciyaarta, iyadoo ay xusid mudantahay in labada tababare ay badal ku keeneen sadexda laacib ee loo ogolyahay in ay badalaan ama ay keenaan.

Waxaa jirta ciyaar kale oo ka tirsan Group C oo ay saacadaha soo aadan isku arki doonaan Ireland iyo Croatia.