Isu socodka dadka iyo gaadiidka Baladweyne oo caadi kusoo laabtay

Waxaa si caadi ah kusoo laabtay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Baladweyne kadib ku dhawaad mudo laba bilood ah oo uu bandoow culus ka jiray magaalada.

Arintaan ayaa ka danbeysay marki ay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ka qafiifiyeen shacabka bandoow saarnaa magaalada iyo xayiraad lagu soo rogay xaafado gaar ah iyo labada buundo ee magaalada.

Ciidamada Itoobiya  ayaa furay labada buundo ee magaalada sida Buund Weyn iyo tan Liiq Liiqato, waxaa sidoo kale la yareeyey bandoowgi dheeraa.

Magaalada Baladweyne ayaa xaalad adag ku jirtay tan iyo marki ay ciidamada Itoobiya qabsadeen bilowgi bishi Janaayo ee sanadkaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.