Istiraatiijiyadda barnaamij cusub ee adeegga caafimaadka hooyooyinka dhalaya oo meel fiican maraya.

Barnaamijkan caafimaad wuxuu billoowday qorshihiisa sanadkii 2010 kadib labaatan sano oo colaado iyo baaro xun oo adeeggii caafimaad oo dhan uu burburay taasoo horseedday in 80% shacabka Soomaaliyeed ay ku waayaan hawlihii caafimaad oo ay heli jireen haddaba barnaamijkaan wuxuu ugu horreeyntiiba ku billoowday in Somalia loo tababaro ummulusooyin iyo in hooyooyinka lagu wacyigeliyo kala dheereeynta dhalmada taasoo caafimaadka hooyada iyo ilmaheedaba dan u ah waxaana warbixinta ka mid ah in 14kii haween ee foolataba ay mid ka mid ah umul raacin jirtay taasoo hadda la rajeeynayo in barnaajikaan uu yareeyo dhibkaa jiray.

“Drs Nimo Hassan oo ka mid dhakhaatiirta ka hawl gasha isbitaal Banaadir waxa ay sheegtay in kala dheereeynta ilmaha ay yareeyso dhimashada hooyada iyo ilmaheedaba hayeeshee hooyooyin badan aysan qaadanin talooyinka la siiyo tusaalena waxaa ku filan hooyo sanadkii hore ku ummul raacatay cunuggeedi 12aad hooyadaasoo hore u diidday talooyin ahaa in ay dhalmada kala dheereeysato oo hore loo siiyay”. laakinse hadda waxaa arrin wanaagsan ah in dawladda Soomaaliya oo ku dadaaleeysa dib u soo nooleeynta adeeggii caafimaad ee guud ay rajo gelineeyso dumar badan in ay helaan riyadoodi aheeyd in hooyada dhaleeysa la badbaadiyo.

Barnaamijkan oo qeeybtiisa koowaad ay socon doonta illaa 2015ka wuxuu muhiimad gaar ah siin doonaa saddex arrimood oo kala ah 1 kala dheereeynta dhalmada, 2 in haweenka ku ummulaan si aan khatar naftooda ku jirin,iyo kan saddexaad oo ah ka hortagga dhaqanka xun ee gudniinka fircooniga ah mashruucaan  isaga ah dawladda Soomaaliya waxaa ka kaalmeeynaya hayado caalami ah sida WHO, UNFP and Unicef. wakiilka WHO ee soomaaliya u jooga Dr Marthe Everard, oo hadlay wuxuu sheegay in hooyooyinka Soomaaliyeed oo loo helo ummulusooyin tababaran ay tahay arrin wax tar weeyn u leh adeegga caafimaad ee Soomaaliya hay,adaha caalamiga ahna ay dawladda ku garab geli doonaan sidii hawshaan qiimaha leh loogu guuleeysan lahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here