Istanbul, Tokyo iyo Madrid oo isugu soo haray marti gelinta Ciyaaraha Olombikada

Magaalooyinka Istanbul, Tokyo iyo Madrid ayaa isugu soo haray tartanka marti gelinta ciyaaraha Olombikada Aduunka ee sanadka 2020, kadib marki ay ka hareen Magaalooyinka Doha oo Qatar iyo magaalada Baku Azerbaijan.

Arintani waxaa ku dhawaaqay Gudiga Farsamada Olombikada Caalamka oo ku kulmay magaalada Quebec City.

Doha iyo Baku ayaa laga diiday marki labaad oo xiriir ah kadib marki ay ku dhaceen liiska sanadka 2016 ee ciyaarahaan.

Magaalooyinkan soo haray ayaa ahaatan qal qaalo u gali doona sidi mid walba uu u noqon lahaa tan ugu danbeysa, xilli la filayo in lagu dhawaaqo magaalada guuleysata 7 September sanadka 2014 xaflad ka loo madlay in ay ka dhacdo caasimada Argentine ee Buenos Aires.

Magaalada Tokyo ee xarunta dalka Japan ayaa marti gelisay ciyaarahaan sanadki 1964-ki halka magaalooyinka Istanbul iyo Madrid oo ku kala yaala Turkiga iyo Spain aysan waligood qaban.

Rome ayaa ka baxday tartanka horaanti bishii February sababtoo deymaha iyo qalalaasha dhaqaale ee uu Talyaaniga ku jiro.

London ayaa marti gelin doonto xagaagan ciyaaraha Olombikada Aduunka ee 2012, waxa ay bilaaban doonaan27 July iyaga oo dhamaan doona 12 August, halka magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil ay qaban doono sanadka 2016.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.