Ismiidaamin lagu qaarijin rabay Generaal Dhaga badan oo la fashiliyey

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankiisu qabteen nin ka tirsan Al Shabaab oo rabay inuu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo munaasabada maalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Dhagabadan oo u waramay saakay warbaahinta ayaa sheegay in ay in muda ahba ka warqabeen dhaq dhaqaaqa ninka oo lasoo xiriiray darawalka Janaraal Dhagabadan.

Qabashada ninkan ayaa ka danbeysay marki darawalka Dhagabadan uu sheegay xogta ku saabsan codsi ay Shabaab usoo gudbiyeen oo ahaa inuu u fududeeyo qof rabo inuu isku miidaamiyo xarunta milatariga maalinta 12-ka April.

“Arintaas waan la soconay niman kale oo naga mid ah ayaa shaar cusub loo geliyey, marki uu jaakada soo qaatay ninki Shabaabka ahaa iyo ninki la shaqeynayey waa leysla qabtay, waxaan wacnay hey’adaha amaanka oo haatan haya, adeeroow dadkaan waa dad Soomaaliyeed xiriirkuna waa imaanayaa, labadaan nin isma aqoon telfoon ayey ka wada xiriireen, ninka darawalkeyga wuu ii sheegay waxaana dhahay aad si aan u qabano, waxaa loo balan qaaday lacag dhan $20,000 ninka darawalkeyga ah,” ayuu yiri Dhagabadan.

Al Shabaab ayaa sheegatay qarax lagu dili rabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya kaasi oo Arbacadi lasoo dhaafay gabar nafteed hurta ah isku qarxisay Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Weerarada is qarxinta ah ee lagu qaado xafaladaha ayaa ah kuwa ugu xun ee ay dhibaatada kasoo gaarto dadka rayidka ah sida horayba uga dhacday Muqdisho sanadihi 2009, 2011 iyo sanadkaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.