Ismaacil Geelle: Way naga go’an tahay inaan caawinno Soomaaliya

 

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay askarta uga geeriyooday Soomaaliya
Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay askarta uga geeriyooday Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ahaa madax garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku sugayay meydadka askar Jabuutiyaan ahaa oo lagu dilay Buulo-burte ayaa sheegay in aysan tani marnaba ka weecin doonin taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay iney sii wadayaan taageerada ay la garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa wuxuu kaloo shacabka Jabuuti uga tacsiyeeyay askartii uga geeriyootay magaalada Buulabarde, isagoo tilmaamay iney gudanayeen waajib Qaran oo ay cadowga ka difaacayeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Mudane Ismaacil Geelle oo kor taagan meydka lixda askari ayaa sheegay iney naftooda u hurayaan difaaca ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay iney sii kordhindoonaan taageerada dhinac walba ah oo ay siiyaan Soomaalida.

Ugu dambeyn wuxuu caafimaad buuxa u rajeeyay ciidamada kale ee Jabuuti uga dhaawacmay weerarkii ay qaaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Jabuuti ee Hiilwalaal ayaa ka mid ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here