Ismaaciil Hurre Buubaa: “Meles Zanawi waxa uu ahaa caqabadda hortaagneyd in somaliya ay yeelato doowlad xoogleh”

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa,oo ah siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay doowladihii soomaray dalka kadib burburkii xukuumadii dhexe,ayaa ka dhawaajiyay Zanawi uu ahaa caqabdda kaliya ee hortaagneeyd in dalka Soomaaliya uu yeesho dowlad isku filan oo xoog leh.

Buubaa ayaa sheegay in geerida ku timid Meles ay faa’iidu weyn ugu jarta dalka iyo dadka Soomaaliyeed,maadama uu ahaa caqabada Soomaaliya.

“Hadii alle idmayo,horta Meles markaan kahadlo xaaqiiqda waxa uu ahaa shaqsiga sida weyn uga soo horjeeday in soomaaliya ay gaarto horumar iyo doowladnimo taam ah,waxaa uu kashaqeyn jiray kala jajabinta iyo kala qoqobka Soomaaliya,waxa uu aad u taageeri jiray qaswadayaasha iyo hogaamiye kooxeedyadii dalka,sidaad wada ogtihiin doowladii C/qaasim ee lagu soo dhisay dalka jabuuti isagay kashaqeyn weysay oo waxa uu kusoo hubeeyay hogaamiye kooxeedyadii markaa kusugnaa magaalada Muqdisho”ayuu yiri Buubaa.

Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa,ayaa sidookale sheegay in Ciidamada Itoobiya ee hadda kusugan gudaha dalka soomaaliya ay saameyn ku yeelan doonto geerida Zanawi ayna isga bixi doonaan dalka,sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada kale Amisom xitaa ay saameeyn ku yeelan doonto geerida Zanawi.

Buubaa ayaa sheegay in mardhow laga maarmi doono ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan dalka,waxa uuna dowlada soosocota ee ladhisi doono ugu baaqay ineey kashaqeyso dhisida ciidamadii xooga dalka Soomaaliya si looga maarmo gacan shisheeye,loona gaaro isku filnaan.

Warkan kasoo yeeray Prof. Buubaa ayaa kusoo aaday kadib markii ay shalay doowlada itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqday geerida Ra’iisul wasaarihii dalkaas ee Meles Zanawi oo beryahanbo aad u xanuunsanayay,waloow ay jireen warar sheegaya inuu mar hore geeriyooday balse laqarinayay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here