Iskuulada waxbarashada ee Jowhar oo saakay xiran iyo Al Shabab oo magalada ka baxay

Wararki ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in guud ahaan Iskuulada Hoose, Dhexe iyo Sare kadib marki ay halkaasi ku dhaawadeen ciidamada huwanta ah.

Magaalada ayaa waxaa ka jirto cabsi xoog leh marki ay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay duulaan culus ku qaadeen magaalada si ay u qabsadaan.

Dad kala duwan oo aan saakay qadka telfoonka kula hadalnay ayaa inoo sheegay in magaalada ay ka baxeen inta badan madaxda Al Shabab halka ay hada joogaan in yar oo iyaguna la filayo in ay ka baxaan.

Ganacsiga ayaa si gaabis ah u socdo, dadkuna dhagaha ayey u taagayaan sida ay wax u socdaan iyo halka ay arrinini mareyso, walwalka ay qabaanna waa is badalka siyaasadeed ee ay magaalada galeyso iyo saameynta ka dhalan karta.

Uma muuqato xaalada in magaalada lagu dagaalamayo maadaama ay madaxda iyo saraakiisha Al Shabab ay intooda badan faarujiyeen halkaasi sida ay sheegayaan warar sugan oo aan saakay halkaasi ka helnay.

Magaalada Jowhar ayaa ah magaalo istaraatiiji ah oo isku xirto Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here