Iskuul ku yaal Switzerland oo ardayda muslimiinta ku qasbay ineey salaamaan dumarka macalimiinta

160405011005_handshake_640x360_ap_nocreditXukuumadda Switzerland ayaa dhaleecaysay iskuul u oggolaaday arday Muslimiin ah in aanay salaamin macallimiinta dumarka ah.

Labo arday oo Muslimiin ah oo dhigtay iskuulkan, oo ku yaal waqooyiga dalkaasi, ayaa ku dooday in diintooda aanay u oggolayn inay salaamaan macallimiinta dumarka ah.

Wasiirka Caddaaladda ee Switzerland ayaa sheegay in salaantu ay qeyb ka tahay dhaqanka dalkaasi.

Xiriirka Ururka Muslimiinta ayaa sheegay in salaanta ragga iyo dumarka ay caadi ka tahay waddamo badan oo uu uga dhaafay ardayda Muslimiinta ee ragga ah in ay gacan qaadaan macalimiinta haweenka ah.

Labada arday ee diidday inay salaamaan macallimiinta dumarka ah ayaa sidoo kale loo diiday inay salaamaan kuwa ragga ah, iyadoo iskuulku sheegay in aanay kala sooci karin macalimmiintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here