Isku shaan dheyn lagu sameeyey Golaha Wasiirada

Wasiirka koowaad ee dowlada Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa maanta isku shaan dheeyey Golahiisa Wasiirada.

Warqada isku shaandheeynta oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa sidoo kale ka dhax muuqdo Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiiru kuxigeeno ku lagu soo biiriyay Golaha Wasiirada.

Qaar ka mid ah Wasiir kuxigeenada ayaa ah kuwo cusub iyo Wasiiru dowlayaasha, hase ahaatee Wasiir Dowlihii Madaxtooyada Cabaas Macalin Nuur ayaa xilkiisa waayey, sidoo kale waxaa lagu soo biiriyay Wasiiru Dowle Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo Wasiiru Dowle xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada.

Inkastoo isku shaandheyntan aanay saameyn Wasiirada Xukuumada ayaa waxay ka kooban yihiin 18-xubnood oo isugu jira Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir Kuxigeeno

1-Mudane C/kariim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweynaha, horay waxaa uu ahaa Wasiir kuxigeenkii Arrimaha Dibada

2-Mudane Cali Nuur Ducaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha, horay waxaa uu u ahaa Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Qorsheynta, xilkan waa cusub yahay

3-Mudane Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka waa cusub yahay

4- Mudane Ibraahiim Suleeymaan Xaaji Nuur, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga waa cusub yahay

5-Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga qeyraadka Badda iyo Bay’adda., horay wasaaradan ayuu kuxigeen ka ahaa

6- Mudane Axmed C/llaahi Xuseen {Fanax] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, horay waxaa uu ahaa Wasiir kuxigeen wasaaradan

7-Mudane Max’ed Cumar Max’ud, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka, horay waxaa uu ahaa wasiir kuxigeen

8-Mudane Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha

9-Mudane C/qaadir Maxamed Barre, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sarre waa cusub yahay

10-Mudane Axmed Maxamuud Axmed, {Yaaqshiid}, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda. waa cusub yahay

11-Marwo Luul Cabdi Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska, waxay waxay u aheyd Wasiir kuxigeenka Haweenka

12-Mudane C/llaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada Dhalinyarada iyo isboortiga waa cusub yahay

13-Mudane Xasan Maxamuud Jimcaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha  wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.

14- Mudane Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta.

15- Mudane C/kariim Xaaji Cabdi [Buux] waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.

16-Mudane C/nuur Sheekh Ibraahin Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada.

17-Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

18-Marwo Muna Ibraahim Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska, waa cusub tahay.