Isku aadka wareega seddaxaad ee Horyaalka Yurub oo la soo saaray

 

Isku aadka wareega 8 Champions League oo la sameeyay
Isku aadka wareega 8 Champions League oo la sameeyay

Magaalada Nyon ee dalka Fransiiska waxaa goordhow lagu qabtay xaflad qorri tuur loogu sameenaayo siddeeda koox ee isugu soo hartay wareega rubuc dhammaadka horyaalka kooxaha qaarada Yurub ee UEFA Champions League.

Bayern Munich ayaa ku soo aaday Manchester United cayaaraha Champions League ee quarter-finals.

Pep Guardiola ayaa isku dayaya siddii uu la tacaamul lahaa kooxda heesata horyaalka Ingiriiska, waxaana lugta koowaad ay ku cayaari doonaan garoonka Old Trafford.

Sidoo kale, Real Madrid ayaa ku soo aaday Borussia Dortmund kaddib markii sannadkii horre ay ka ciribtirtay sannadkii horre  wareega semi-finals, waxaa kaloo kooxda heesata horyaalka Fransiiska ee Paris Saint-Germain la kulmeysaa kooxda hoggaamineysa horyaalka Ingriiska Premier League Chelsea.

Ugu dambeyn, Barcelona ayaa ku soo aaday kooxda ay isku waddan yihiin ee Atletico Madrid, iyadoona labadan koox ay ku kulmeen xilli cayaareedkan koobabka Supercopa de Espana and La Liga earlier this season.

Ligta horre ee cayaarahan ayaa la cayaari doonaa April 1 iyo 2, halka lugta labaad lagu jadwaleeyay April 8 ilaa  9.

Isku aadka wareega afaraad ee semi-finals waxaa la qaban doonaa April 11, halka cayaarta ugu dambeesa lagu qaban doono garoonka Estadio do Sport Lisboa e Benfica marka ay bisha May tahay  24.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here