Isku aadka wareega 8-da Champions League oo la sameeyey

Waxaa lagu dhawaaqay isku aadka Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub wareegiisa sideeda, iyadoo kulanka ugu xiisaha badana uu noqday kan dhex mari doona AC Milan iyo Barcelona.

Labada kooxood midna kuma farxin natiijada isku aadkooda maxaa yeelay way kala baqayeen oo waxaa la saadaalinayey in ay isku arki doonaan finalka.

Milan 7 jeer ayey qaaday halka Barcelona ay difaacaneyso tartankan, waxaa intaasi dheer in wareegi hore ee tartankan ay isku soo arkeen, mar waxay galeen bar baro 2-2 halka lugti kalana ay Barcelona 3-2 ku adkaatay.

Hadii ay Milan soo baxdo waxay ku dhici doontaa mid ka mid ah kooxaha Benfica ama Chelsea oo iyana isku dhacay.

Wareegan waxa la kala ciyaari doonaa 27 iyo 28 bishan March, lugta labaadna waxa uu dhici doonaa 3 iyo 4 April.

Guud ahaan kooxaha waxay isugu dhacayaan sidan:
Apoel Nicosia v Real Madrid

Marseille v Bayern Munich

Benfica v Chelsea

Milan v Barcelona

Wareega Semi-final-ka ayaa dhici doona 17 and 18 April, lugtiisa labaadna 24 iyo 25.

Apoel Nicosia ama Real Madrid kooxdi soo badiso waxay la ciyaari doontaa Marseille ama Bayern Munich.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.