Isku aadka wareega 3-aad horyaallada Yurub oo la sameeyay


NYON, Switzerland :-
 Waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Nyon ee dalka Switzerland, lagu sameeyay isku aadka wareegga 3-da tartanka koobka kooxaha qaaradda Yurub oo ay isugu soo hareen illaa sideed koox oo seddax ka mid ah ay ka socdaan waddanka Spain.

Kulamada xiisaha leh waxay noqon doonaan cayaaraha dhex mari doona kooxaha Bayern Munich (Germany) iyo Juventus (Italy, sidoo kale waxaa xiiso gaar ah yeelan doona kulanka Barcelona (Spain) ay kaga hortagayso kooxda PSG (Faransiiska) oo ay isku beegmeen.

Haddaba Isku aadka wareega 3-aad oo dhamaystiran waa sidan:

Malaga Vs Borussia Dortmund

Real Madrid Vs Galatasaray

Psg Vs Barcelona

Fc Bayern Munich Vs Juventus

Sidoo kale waxaa la sameeyay Quarter-Final-ka koobka heerka labaad ee Yurub (Europa League), waxayna kooxaha isugu aadeen:

Quarter-final draw for the Europa League…

Chelsea v Rubin Kazan

Tottenham v Basle

Fenerbahce v Lazio

Benfica v Newcastle

Lubta horre waxaa la ciyaari doonaa April 4, halka lugta labaad la is arki doonos April 11.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here