Isku aadka tartanka CECAFA oo la sameenayo [Faah-Faahin]

Khartoum (MIC) War-saxaafadeed ka soo baxay xiriirka kubadda cagta CECAFA ee qaarada Africa ayaa lagu shaaciyay in maanta oo Talaado ah la sameenayo isku aadka tartanka kubadda cagta bariga iyo bartamaha qaaradda Africa.

War-saxaafadeedkan oo uu ku qornaa English, lana soo gaarsiiyay nuqul ka mid ah Shabakadda Midinimo ayaa lagu sheegay in manta la soo saari doono sida ay kooxaha isugu soo beegmeen tartanka 39-aad ee kubadda cagta CECAFA-Kagame Club Cup Championship.

Xog-hayaha guud ee CECAFA, Nicholas Musonye ayaa arrintaas uga dhawaaqi doonoa ,maanta oo Tallaado magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Sida qorshaha uu yahay tartanka sannadkan waxaa uu ka dhacayaa dalka Sudan gaar ahaan deeganka Al Fasher ee waqooyiga Darfur, waxaan deegankan dhawaan booqday xoghaye Musonye.

Wuxuu sheegay in tartanka uu socon doono muddo labo toddobaad ah, isla markaana maanta la shaacin doono sida ay kooxaha isugu soo beegmeen, kaddib markii la soo dhaameeyay howlihii garoomada iyo guud ahaan diyaargarowga tartanka.

Wuxuu sheegay in xukuumada dhexe ee Khartoum ay maalgalin ballaaran ku sameeyay siddii uu qabsoomi lahaa tartankan oo ka mid ah kuwa aadka looga jecel yahay qaarada oo dhan.

Musonye ayaa markii ugu horreysay in tartankan lagu qaban doono waqooyiga Darfur oo meelo ay dagaalo muddo dheer ka socdeen.

Dowladda Sudan iyo maamulka ka jirra waqooyiga ayaa sheegaya in tartankan lagu bixiyay dhaqaale badan, iyadoona la dhisay garoomo casri ah, waxaa ka mid ah kuwaas garoon qaadaya 40,000 oo qof.

Marka la sameeyo isku aadka tartanka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Africa oo ka dhacaya maanta Khartoum,waxaa la shaacin sida ay isugu soo aadeen 13-ka koox ee ka qaybgalaya tartanka.

Kooxahaas waxaa ka mid ah:El Merreikh Fasher, Al Shandy, Al Hilal Kadugli oo dhammaan ka socda Sudan, Al Nasr oo ka socota K. Sudan, Yanga iyo Simba oo ka socda dalka Tanzania, Tusker oo Kenya ah, Elman oo Soomaaliya ka socda, Ports oo ka socda dalka Djibouti, Falcon oo ka socda dalka Zanzibar, APR oo ka socda dalka Rwanda, Vitalo oo ka socda dalka Burundi iyo Express oo ka socda dalka Uganda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here