Isku Aadka Championka oo lasoo saaray, Ronaldo iyo Rooneey, Mourinho iyo Ferguson maxaa kala haysta?

Gudiga EUVE, ayaa maanta gelinkii danbe waxay soo saareen isku aadka wareega 16-aad ee Champion League, wareegan ayaa waxaa qoorta isla galay kooxo aad u waaween, waxaana dhexmari doonta ciyaaro lafa jabis ah, halka naadiyada qaarna ay isugu beegmeen si macquul ah.

Labada Naadi ee ugu tunka weyn horyaalka Spain, ayaa ku kala aaday naadiyada Ac-milan iyo Manchester United, iyadoo Barcelona ay wajahi doonto Milan, halka realmadrid ay iyadana fooda isdari doonaan naadiga hogaamineeysa Horyaalka Ingiriiska ee Manchester United.

Ciyaarta dhex mari doonta Realmadrid iyo Mancester United ayaa noqon doonta mid aad u xiiso badan maxaa yeelay C.ronaldo ayaa sanado kadib waxa uu booqan doonaa halkii uu magaca kusoo yeeshay ee Old Traford, sido kale ciyaartan waxaa xamaasad gooni ah uyeeli doonaa labada macalin ee Mourinho iyo Ferguson oo lagu tiriyo macalimiinta haatan ugu wanaagsan Caalamka.

Arsenal oo iyadana kamid ah naadiga kascoda Horyaalka Ingiriiska ayaa ciyaar adag la ciyaari doonta naadiga reer Jarmal ee sanadkii hore soo tiigsaday kama danbeysta Koobkan ee Bayern Munchen, halka Naadiga Juventusna ay la ciyaari doonto naadiga wareegyadii koowaad kasoo yaabsaday Barcelona ee Celtic.

Sida ay naadiyada iskugu aadeen iyo waqtiga la ciyaarayo:

Galatasaray v Schalke
(February 20 and March 12)

CELTIC v Juventus
(February 12 and March 6)

ARSENAL v Bayern Munich
(February 19 and March 13)

Shakhter Donetsk v Borussia Dortmund
(February 13 and March 5)

AC Milan v Barcelona
(February 20 and March 12)

Real Madrid v MANCHESTER UNITED
(February 13, March 5)

Valencia v Paris St Germain
(February 12 and March 6)

Porto v Malaga
(February 19 and March 13)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here